Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dalalka deriska qaar ay arrimo amni awgeed uga faa’ideysanayaan, iyagoo u xaglinaya Musharax gaar ah sida uu yidhi
“Maanta waqti xasaasi oo doorasho ayaa lagu jiraa, Baarlamaanka Soomaaliyeed, waa xor, waxaa rajeynayaa inay ka madax banaanaadaan wax alla wixii fara gelin ah, dowladaha deriskana in aysan u go’aamin, waxaa dooneynaa kuwo aayahooda ka taliya” ayuu yidhi
Sidoo kale Raysal Wasaare Cumar C/rashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi
“Waxaa jirta culeysyo runtii ka imaanaya dowladaha deriska, qaarkood, waxaa u sheegayaa inay naga dhaxeyso is qadarin iyo ixtiraam, amnigeeda gacanta nalaga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, sideedaba ma ahan in Amniga gacanta nagala siinayo nagala faa’ideysto oo ajande siyaasadeed iyo musharax gaar culeys la saaro iyo in dowlad goboleedyada inay u dheeli tiraan siyaasada musharax gaar ah” ayuu yidhi
Dalalka Deriska sida Itoobiya iyo Kenya ayaa saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, iyadoo ciidamo badan ka joogaan.