Saxilnews.com
Deg Deg :- Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddida Doorashada Madaxweynaha Somaliya Oo Goor Dhaweyd Is Casilay + Sababta 
February 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah isku casilay Jen. C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag)oo ahaa Guddomiye ku-xigeenkii guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Somaliya

Image may contain: 1 person, suit

Iscasilaada Fartaag ayey wararku sheegayaan iney timid ka dib markii ay dacwad ka qoreen 16 ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha oo ku eedeeyey inuu si cad u taageeray musharax gaar ah, uuna lumiyey dhexdhexaadnimadii iyo kalsoonidii ay ku qabeen, waxayna dalbadeen in guddiga laga saaro.

 

Guddoonka Baarlamanka Somalia oo markii hore magacaabay guddigan ayaa ku qanciyey Fartaag inuu iska casilo guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo si weyn loogu dhaliilay falka uu ku kacay.

 C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ka qeyb galay habeen hore xaflad uu musharaxa Xasan Shiikh Maxamuud Muqdisho ugu qabtay 180 ka mid ah xildhibaanada labada aqal, taasoo qeyb ka aheyd ololihiisa doorashada, waxaana Fartaag oo ka hadlay xafladaas uu si cad u sheegay inuu taageersan yahay Xasan Shiikh, codkiisana siin doono.

COMMENTS
Latest News