Saxilnews.com
Boqorka dalka Morocco Ayaa Soo Dhaweeyey Ku Biiristii Dalkiisu Uu Ka Mid Noqoday Midowga Afrika.
February 2, 2017 - Written by Siciid dalmar

Boqorka dalka Morocco King Mohammed VI ayaa ammaanay tallabada uu dalkiisu mar labaad kaga mid noqday Midawga Africa . Morocco ayaa ayaa ka maqnayd midawga Africa 33 sano.

“ Ugu danbayntii gurigii ayaan imid King Mohammed VI ayaa ku sheegay hadala uu kajeediyay shirka Midawga Africa ee ka soconayay Addis Ababa” Waa maalin qurux badan marka uu qof guriisa uu ka maqnaa muddo dheer uu yimaaddo” ayuu ku daray.

Boqorku waxa uu sheegay ku laabashada dalkiisu uu mar labaad uu qayb kamida ka noqday Midwga Africa inay xoojinayso iskaashiga , waaltinimada iyo sidoo kale saaxiibtinimada u dhaxaysa Morocco iyo Dalalka Afrika.

Waxa uu sheegay inuu 46 jeer safar uu ku tagay dalal afrikaan ah isaga oo booqday 25 Waddan oo katirsan Africa” tani waxa ay calaamad u tahay xidhiidhka adag ee u dhaxeeya Morocco iyo Midawga Africa.
Ku laabashada Morocco ee midawga Afrika waxa uu yimid kadib markii 54 xubnood ee AU ,39 kamida ay u codeeyeen, inay Marocco dib ugu laabatomidawga.

COMMENTS
Latest News