Saxilnews.com
Dawlada Somaliya Oo Cod Dheer Ku Sheegtay In Faro Galin Lagu Hayo Doorashadeeda Madaxweyne nimo Ee Dhawaan Dhici Doonta Iyo Cida Ku Haysa
February 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kanamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dalalka deriska inay fara gelinta ka daayaan doorashada dhowaan ka dhaceysa dalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dalalka deriska qaar ay arrimo amni awgeed uga faa’ideysanayaan, iyagoo u xaglinaya Musharax gaar ah sida uu yidhi

 

“Maanta waqti xasaasi oo doorasho ayaa lagu jiraa, Baarlamaanka Soomaaliyeed, waa xor, waxaa rajeynayaa inay ka madax banaanaadaan wax alla wixii fara gelin ah, dowladaha deriskana in aysan u go’aamin, waxaa dooneynaa kuwo aayahooda ka taliya” ayuu yidhi

Sidoo kale Raysal Wasaare Cumar C/rashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi

“Waxaa jirta culeysyo runtii ka imaanaya dowladaha deriska, qaarkood, waxaa u sheegayaa inay naga dhaxeyso is qadarin iyo ixtiraam, amnigeeda gacanta nalaga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, sideedaba ma ahan in Amniga gacanta nagala siinayo nagala faa’ideysto oo ajande siyaasadeed iyo musharax gaar culeys la saaro iyo in dowlad goboleedyada inay u dheeli tiraan siyaasada musharax gaar ah” ayuu yidhi

Dalalka Deriska sida Itoobiya iyo Kenya ayaa saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, iyadoo ciidamo badan ka joogaan.

COMMENTS
Latest News