Hargeysa (SaxilNews) :- Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Amp.Cabdifataax Siciid Axmed oo maanta xafiiskiisa kula hadley qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadley wararka sheegaya in uu qawadey isla markaana uu iska casilaayo xilka uu madaxweyne siilanyo ugu bedelay kan uu hada hayo oo ah agaasimaha Dawlada Hoose
Amp.Cabdifataax ayaa waxaa uu sheegay in sunaha dawladnimo ay tahay in qof meel loo bedelo , in xil loo magacaabo iyo in xilka laga qaado balse xilkan loo magacaabey uu ku qanacsan yahay cabashaduna mar walba ay tahey shey iman kara oo xal laga gaadhi kari
Sidoo kale Amp.Cabdifataax waxaa uu sheegay in uu isagu aamin yahay in uu ka mid yahay shaqasiyaadka uu xidhiidhka ugu fiicani ka dhaxeeyo madaxtooyada Somaliland sidoo kalana ay madaxweyne siilanyo ka hor inta aanu dalka madaxweyne ka noqon dalka ay aqoon fiican isku lahayeen oo ay ku wada noolayeen dalka UK
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan