Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Saaka U Jarmaaday Gobolada Bariga Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
August 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa(SaxilNews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu saaka safar taariikhi ah ugu baxay xarunta gobalka Sool ee Laascanood .

 

Madaxweynaha ayaa waxaa la filaya in uu safarkani noqon doono mid taarikhi ah waxaana uu ku soo beegmaya safarkani wakhti ay dawlada Somaliland ay wada hadalo kula jirto maamulka Khaatumo

Sidoo Kale safarkan ayaa waxaa uu yahay mid ku soo beegmay xilli ay diwaangalintii cod bixiyaashu ka bilaabmeyso gobalka Sool .

Waxaana  la filayaa in uu madaxweynuhu gobalkaasi xadhig ka jaro mashaariic ay xukuumadiisu hir galisay isla markaana uu dhagax dhigo mashaariic kale waxaana halkaasi madaxweynaha uga sii  horeyey wafti uu hogaminaayo wasiirka cusub ee Wasaarada arimaha gudaha Yasiin Faratoon.

COMMENTS
Latest News