Saxilnews.com
AGAASIMAHA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA OO KA HADLEY WARARKA SHEEGAYA IN UU ISKA CASILAAYO XILKA LOO BEDELAY IYO XIDHIIDHKA UU LA LEEYAHAY MADAXTOOYADA + MUUQAAL.
August 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews) :- Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Amp.Cabdifataax Siciid Axmed  oo maanta xafiiskiisa kula hadley qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadley wararka sheegaya in uu qawadey isla markaana uu iska casilaayo xilka uu madaxweyne siilanyo ugu bedelay kan uu hada hayo oo ah agaasimaha Dawlada Hoose

 

Amp.Cabdifataax ayaa waxaa uu  sheegay in sunaha dawladnimo ay tahay in qof meel loo bedelo , in xil loo magacaabo iyo  in xilka laga qaado balse xilkan loo magacaabey uu ku qanacsan yahay  cabashaduna mar walba ay tahey shey iman kara oo  xal laga gaadhi kari

Sidoo kale Amp.Cabdifataax waxaa uu sheegay in uu isagu aamin yahay in uu ka mid yahay shaqasiyaadka uu xidhiidhka ugu fiicani ka dhaxeeyo madaxtooyada Somaliland sidoo kalana ay madaxweyne siilanyo ka hor inta aanu dalka madaxweyne ka noqon dalka ay aqoon fiican isku lahayeen oo ay ku wada noolayeen dalka UK

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News