Waxaana xildhibaanadan oo iskugu jira labada gole qaran ee wakiilada iyo guurtidu markii madaxwayne Siilaanyo khudbadiisii dhameeyey ay guda galeen codaynta in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadku ka dhisato saldhig Milater,waxaana codayntii ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo waliba inay xildhibaanada qaar dagaal gacan ka hadal ah dhex maro.
Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxxmaan Cirro ayaa isagu iska baxay golaha,waxaana xildhibaanadu ay sii wateen codayntooda.
Waxa u codeeyey in la ansixiyo heshiiskaasi 144 xilhibaan halka ay xildhibaanada intoodii kale ay ka baxeen golaha kuwaas oo kasoo horjeeday in la ansixiyo heshiiska golaha la hor keenay ee Saldhiga Milateri.
Ciidamadii kala duwanaa ee goobta lasoo dhoobay ayaa waxay wararku sheegayaan in xidhibaanada qaar gaar ahaana xildhibaanadii diidanaa in la ansixiyo heshiiska sadhiga Milateri ay garaaceen jidh dilna u gaysteen.
Xaruntii baarlamaanka ayaa waxa ka socda buuq iyo sawaxan iyo waliba is qab-qabsi dhex maraya xildhibaanada qaar oo ah xildhibaanada labada dhinac kala raacsan.
Ilaa hadda lama garanayo halka ay ku danbayn doonto arirnkan ansixinta heshiiska saldhiga Milateri.