Saxilnews.com
DEG-DEG:-Ciidamada RRU-da oo Caawa Goor-dhaweyd Gurigiisa Kala Baxay Siyaasi Xamarji + Sababta
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews)Ciidamada booliska Somaliland ee RRU-da, ayaa caawa goor-dhaweyd gurigiisa kala baxay siyaasi Axmed Xaaji Cabdillaahi Cumar (Xamarje) oo ka tirsan saraakiisha ugu sar-sareysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Sida ay warbaahinta Saxilnews u xaqiijiyeen ehelada sarkaalkaasi, ayaa sheegaya in ciidamo aad u tiro badani ay ugu soo daateen gurigiisa, isla mar ahaantaana aanay illaa hada garaneyn meesha ay u qaadeen.
Ma jiraan illaa hada warar faahfaahsan oo ka soo baxaaya ujeedka ka dambeeya xadhigaasi balse waxa ay Xukuumaddu aad u dhowraysaa heshiiska saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadka oo maalinta beri ah laga horkeenaayo Golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana uu sarkaalkaasi hore uga mid ahaa saraakiil tira badan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI kuwaasi oo si aada uga soo horjeestay tallaabada ay Xukuumaddu ugu fasaxayso dawladda Imaaraadka in ay Berbera ka sameysato Saldhig Milatari.

COMMENTS
Latest News