Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:- Xildhibaanada Labada Gole Qaran Oo Ansixiyey In Saldhig Milateri Berbera Laga Siiyo Dawlada Imaaraadka+Tirada U Codeeyey,Xildhibaano Ka Dareeray Golaha,Buuq Iyo Sawaxan Ka Dhashay Iyo Ciidamada Oo La Sheegay Inay Garaaceen Xildhibaano
February 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Kulankii wada jirka ahaa ee ay maanta isku yimaadeen golayaasha guurtida iyo wakiilada Somaliland isla markaana madaxwayne Siilanyo maanta ka hor akhriyey khudbad sanadeedkiisii ugu danbeeyey iyo waliba heshiiska saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka carabtu doonayso inay ka dhisato magaalada Berbera ayaa waxay xildhibaanadu ansixiyeen in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadku ka dhisato saldhig Milateri.

Waxaana xildhibaanadan oo iskugu jira labada gole qaran ee wakiilada iyo guurtidu markii madaxwayne Siilaanyo khudbadiisii dhameeyey ay guda galeen codaynta in la wareejiyo madaarka magaalada Berbera isla markaana dawlada Imaaraadku ka dhisato saldhig Milater,waxaana codayntii ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo waliba inay xildhibaanada qaar dagaal gacan ka hadal ah dhex maro.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxxmaan Cirro ayaa isagu iska baxay golaha,waxaana xildhibaanadu ay sii wateen codayntooda.

Waxa u codeeyey in la ansixiyo heshiiskaasi 144 xilhibaan halka ay xildhibaanada intoodii kale ay ka baxeen golaha kuwaas oo kasoo horjeeday in la ansixiyo heshiiska golaha la hor keenay ee Saldhiga Milateri.

Ciidamadii kala duwanaa ee goobta lasoo dhoobay ayaa waxay wararku sheegayaan in xidhibaanada qaar gaar ahaana xildhibaanadii diidanaa in la ansixiyo heshiiska sadhiga Milateri ay garaaceen jidh dilna u gaysteen.

Xaruntii baarlamaanka ayaa waxa ka socda buuq iyo sawaxan iyo waliba is qab-qabsi dhex maraya xildhibaanada qaar oo ah xildhibaanada labada dhinac kala raacsan.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay ku danbayn doonto arirnkan ansixinta heshiiska saldhiga Milateri.

COMMENTS
Latest News