Moqdisho (Saxilnews):- dawlada Somaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashey heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada Dp World oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland .
Dawlada Somaliya ayaa waxaa ay heshiiskaasi ku tilmaamtey mid sharci daro ah isla markaana waxaa ay banaanka soo dhigtay xogo ay sheegtay in dawlada Somaliland ka qarisay shacbigeeda oo ku saabsan saamiyada ay kala qaadanayaan dawlada iyo shirkada Dp World .
Hanti dhawraha guud ee dawlada Somaliya Nuur Faarax oo maanta u waramey laanta afka Somaaaliga ee idaacada VOA ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Somaliland ay saamiga dekada Berbera ay qaadan doonto boqalkiiba Todoban 10 % halka ay shirkada Dp World ay qaadan doonto boqolkiiba sagaashan 90%
Waxaa xusid Mudan in Xukuumada Somaliland ay hore u shaacisay in saamiga ay ka qadan doonto dekada Berbera uu noqon doono boqolkiiba shan iyo sodon 35% halka ay shirkada Dp World qaadan doonto boqolkii shan iyo lixdan65%