Saxilnews.com
Dowladda Hoose Ee Hargaysa Oo Cagaf Galisay Hooyooyin Dan Yar Ah Xili Aanay Filayn + Daawo Halkan Waxa Ka Dhacay (Sawirro)
August 11, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews) Dowlada Hoose ee Hargeysa oo lagu soo doorto cod shacab ayaa iyada oo aan samayn wax wacyi gain Bulshada ah saaka waxay la soo jar maadeen cagaf cagafyo iyo gaadiid waawayn waxa ay beegsadeen dhismayaasha wadada hareeraheeda ka dhisan ee dadka danyarta ahi ku jiraan oo u badnaa Hooyooyin raadinaya nolol maalmeedka
Sawirada idiin muuqda waxa ku jira dhaawac soo gaadhay Geedo waawayn oo ah lama taabtaan isla markaana Wasaaradda deegaanku u xil saaran ilaalintooda waxaana gaadiidkaasi gooyeen dhir fara badan
Arimahan marka la eego ayaa sharciga ka hor imanayo taasi oo ay sabab tahay in aan wacyi galin iyo ogaysiis midna la siin dadka dan yarta ah ee Hantidooda la baabiyey waxa xusid mudan in Dowlada hoose ka baydho meheradaha ay leeyihiin dadka ganacsatada waawayn ee la garanayo iyo sidoo kale inta la qabiilka ah kuwa Ololaha wada

COMMENTS
Latest News