Saxilnews.com
DEG DEG :- DAWLADA SOMALIYA OO KA HADASHEY HESHIISKA DEKADA BERBERA , FASHILSAYNA SAAMIYADA AY KALA QAADANAYAAN SOMALILAND IYO DP WORLD .
August 11, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxilnews):-  dawlada Somaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay  ka hadashey heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada Dp World  oo ay  dhawaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland .

 

Dawlada Somaliya ayaa waxaa ay  heshiiskaasi ku tilmaamtey mid sharci daro  ah isla markaana waxaa ay banaanka soo dhigtay xogo ay sheegtay in dawlada Somaliland ka qarisay shacbigeeda oo ku saabsan saamiyada ay  kala qaadanayaan dawlada  iyo shirkada Dp World .

Hanti dhawraha guud ee dawlada Somaliya Nuur Faarax oo maanta u waramey laanta afka Somaaaliga ee  idaacada VOA ayaa   waxaa uu sheegay in dawlada  Somaliland ay saamiga dekada Berbera ay qaadan doonto boqalkiiba Todoban 10 %  halka ay shirkada Dp World ay qaadan doonto boqolkiiba sagaashan 90%

Waxaa xusid Mudan in Xukuumada Somaliland ay hore u shaacisay in saamiga ay ka qadan doonto dekada Berbera uu noqon  doono boqolkiiba  shan iyo sodon 35%   halka ay shirkada Dp World qaadan doonto boqolkii shan iyo lixdan65% 

COMMENTS
Latest News