Hargeysa (SaxilNews):- War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada wararka ee SaxilNews.com waxaa uu sheegayaa in xildhibaanadii sida xoogan u diidanaa heshiiska dekada Berbera caawa fiidkii looga sacbo tumay xarunta madaxtooyada isla markaana dhamaantood ay halkaasi isku shubeen.
Xildhibaanadan ayaa sida aanu xogo hoose oo madaxtooyada aanu ka helney ay noo xaqiijiyeen waxaa hor kacaayey xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortey gobalka Saaxil isla markaana maalmihii u danbeeyey si xoogan u diidana heshiiska dekada Berbera .
Sidoo kale xogaha ay shabakada ilaysnews.com ayaa waxaa ay sheegayan in ay madaxtooyadu ay caawa xildhibaanadaas qadar laceeg ku baayacdey mabda,ooda ay aaminsanaayeen in ay kaga tanaasulaan .
Waxaana lagu sheegay qadarkaasi lacageed in ay u dhaxeysa $20,000 (Labaatan kun oo Doller) Ilaa $30,000 (Sodon kun oo Doller ) qofkiiba waxaana la garaneen in ay xildhibaadu sidaasi kaga tanaasuli doonan fikirkii ay ka aaminsanaayen heshiiska dekada Berbera marka qadarkaasi lacagta ah loo soo bandhigo