Saxilnews.com
DEG DEG :- XILDHIBNADII DIIDANA HESHIISKA DEKEDA BERBERA OO CAAWA FIIDKII LOOGA SACBO TUMAY MADAXTOOYADA IYO QADARKA LACAGEED EE MABDA,OODII KU BEDELEEN
August 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka ee shabakada wararka ee SaxilNews.com waxaa uu sheegayaa in xildhibaanadii sida xoogan u diidanaa heshiiska dekada Berbera  caawa fiidkii looga sacbo tumay xarunta madaxtooyada isla markaana dhamaantood ay  halkaasi isku shubeen.

 

Xildhibaanadan ayaa sida aanu xogo hoose oo madaxtooyada aanu ka helney ay noo xaqiijiyeen waxaa hor kacaayey xildhibaan Siciid Cilmi Rooble  oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortey gobalka Saaxil isla markaana maalmihii u danbeeyey  si xoogan u diidana heshiiska dekada Berbera .

Sidoo kale xogaha ay shabakada ilaysnews.com  ayaa waxaa ay sheegayan in ay madaxtooyadu ay caawa xildhibaanadaas qadar laceeg ku baayacdey mabda,ooda ay aaminsanaayeen in ay kaga tanaasulaan .

Waxaana lagu sheegay qadarkaasi lacageed in ay u dhaxeysa $20,000 (Labaatan kun oo Doller) Ilaa $30,000 (Sodon kun oo Doller ) qofkiiba waxaana la garaneen in ay xildhibaadu sidaasi kaga tanaasuli doonan fikirkii ay ka aaminsanaayen heshiiska dekada Berbera marka qadarkaasi lacagta ah loo soo bandhigo

COMMENTS
Latest News