Saxilnews.com
DEG DEG :- SALADIINTA IYO CUQAASHA BEELAHA DEGA KOONFURTA HARGEYSA IYO GALBEEDKA BURCO OO KU DHAWAAQEY WAKHTIGA UU FURMAAYO SHIRKA GARXAAJIS .
August 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):-  Cuqaasha , Saladiinta iyo wax garadka beelaha dega koonfurta magaalada Hargeysa iyo galbeedka magaalada Burco oo maanta kulan wada jir ah iskugu yimid Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay si rasmi ah uu dhawaaqeen wakhtiga uu furmi doono shir ay mudooyinkii ugu danbeeyey ay qaban qaabidiisa wadeen

 

Shirkan oo ah mid ay ku magacabeen shir weynaha beesha (Garxaajis) ayaa waxaa ay saladiinta iyo cuqaashani ay sheegen in u furmi doonoo 13.08.2016 oo ku beegan maalinta sabtida ah

Waxaa oo xusid mudan cuqaashan iyo saladiintan shirka ku dhawaaqey in aana si rasmi ah u shaacin goobta uu shirkani ka furmi doono ama uu ka qabsoomi doono

Xukuumada Somaliland  iyo xisbiga Kulmiye ayaa la sheegaya in shirkani uu cabsi  xoogan ku hayo isla markaana ay ka baqanayaan in ay ka  soo baxo midow dhinca doorashada musharaxa madaxweyne oo  ka dhexeeya beelaha galbeedka Burco iyo koonurta Hargeysa oo  wiiqi kara  awooda xisbiga Kulmiye ka filaanyo in uu helo wakhtiga doorashada labadan beelood

Fiiro Gaar Ah : Dhawaan Filo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News