Saxilnews.com
Isu Soo Bax Maanta Ka Dhacaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga
August 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(SaxilNews) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu qabanayaa isu soo bax weyn oo lagu cambaareyn doono isku-daygii afgambi ee dalkaasi ka dhacay bartamihii bishii hore, isla markaana lagu xusuusan doono dadkii ku dhintay.

Waxaa isu soo baxa ka qeybgali doona madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan, iyo axsaabta mucaaradka marka laga reebo kuwa Kurdiyiinta.

Goobta uu ka dhacayo isu soo baxa ayaa waxaa lagu rakibay cod baahiyayaal waaweyn, ayadoona ammaanka la adkeeyay.

Isu soo baxa ayaa loo arkaa mid lagu muujinayo mindimadda shacabka dalkaasi wajahaya xilliga adag.

Inkastoo qaar ka mid ah dadka Turkiga ay ka xunyihiin qaabka ay dowladda uga jawaabtay isku-daygii afgembi, ayaa haddana waxa badankooda ay sheegayaan in ay difaacayaan dimuqraadiyadda ay haystaan.

 

COMMENTS
Latest News