Sannad Guuradii Lixaad Ee Aasaaska Naadiga Hal Karaan Oo Xalay Ka Dhacay Burco.

0
26

Burco (Saxilnews.com) -Munasibadani oo kulmisay Bulshada Qaybaheda Kale Duwan Ayaa waxa kasoo qayb Galay Wasiir Dawlaha waxbarashada,Qaar Kamida Xildhibanada Golaha Degaanka Burco , guddomiyasha Telesom, Jamacadda Addis iyo Burco Printing Center, Aqoonyahno, waxgarad,iyo Marti sharaf Kale

Waxana Ugu Horayba Munasibadani Ka Hadlay Qoraa Cismaan Saalax Faarax, Qoraa Maxamud Xaaji Ibrahin, Guddomiyaha Jamacadda Addis, Gudomiyaha Burco Printing, Gudoomiyaha Ururka Akmo Iyo Guddomiyihi ugu horeeyey ee Naadiga Halkaraan Jamac Axmed Maxmed, waxayna Ka Warameen Muhiimada Naadigu Gobolka Togdheer ugu fadhiyo iyo Gud ahaanba Somaliland waxayna Ku Hambalyeeyeen Sanad Gurada Lixaad ee Naadiga iyagoo Ku Amaanay Sida wanagsan ee ay iskugu badbadalaan xilka sare ee gudomiyaha ee kolba ay u gartaan qof ka hagi kara Naadiga ay ugu dhiiban.

Waxa iyaguna Munasibadani Ka Hadlay Gudoomiyihi Horee Nadiga Halkaraan Ibraahim Xamari Oo iyo Gudoomiyah Cusub ee Bashiir Racdeye isagoo Ibraahim Xamari ka waramay Marki uu Xilka Qabtay Halka Uu Tagnaa iyo Hada uu wareejinayo Halka Uu Marayo Naadigu, Caqabadihii uu la soo kulmay iyo Duruufihii ku Gadaamnaa, sido kalena Tilmaamay inu ka nasiib badan yahay Guddomiyaha Cusub Bashiir Raacdeeye, Guddomiyaha Cusubi Waxa uu Dhinaciisa xusay in Halkaraan Tahay Madal Dimuqraadiyadeed oo isku duuban oo si kalsooni iyo dimuqraadiyad leh isu doorata, una wada shaqaysa, waxana uu carrabka ku dhuftay in 6dii Sanno ee uu Naadigu jiray ay soo Mareen 7 Guddomiye, waxana uu Ballanqaaday in Xilkaas loo Dhiibay sidiisa u gudan doono.

Wasiirudawlaha Waxbarashada Axmed Nur Faahiye iyo Xildhiban Bidhi aya iyaguna Naadiga Halkaraan ku Dhiirigeliyey Shaqada iyo hawlaha uu Bulshada u hayo, waxana ay tilmaameen inu yahay Naadiga keliya ee ugu dhaqdhaaqaaqa Badan Bahda Qalinka iyo Buugga ku hawlan, waxay xuseen in Naadigani Gobolka ku soo Kordhiyey Wax weyn oo ka dhinaa, isla markaasna uu Carruurta ku barbaarinayo Akhris iyo Qoraal.

Gebogabadiina Waxa Shahaado Sharafyo lagu maamuusay Shakhsiyaad iyo shirkado la shaqeeyay Naadiga isla markaasna ka qaybqaatay Horumarkiisa, iyadoo loo mahadceliyey Masuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada JSL iyo Wasiirka Maaliyadda iyo weliba Ganacsade Cabdirashiid Haybe Dubbad oo Gacan Dhaqaale ku taageeray Naadiga

Burco // Office

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here