Saxilnews.com
Wasiirka Gaashan-Dhiga Somaliland Cadami Ayaa Hadalo HanJabaad Ah Udiray Mamulka Putland
January 31, 2015 - Written by admin

Hargaysa ( Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaarada Gashaan-dhiga Jamuuriyada Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Ayaa si Adag uga Jawaabay Hadalka ka soo yeedhay Maamulka Puntland kuwaas oo ku sifeeyay Hadal ay Dabayshu  Soo qaaday.

waxa uu sheegay Hadii Lawaayo Cadaynta Hubka iyo Meesha loo siday Lana Waayi Doona Markabka iyo Kabtanka,Lana Marsiin Doono Halkii uu Maray Markabkii Raashinka u siday Haay’adii inji ee musuq-maasuqa Sameeyay.

Wasiirka Puntland ee Somaliland Ku sifeeyay in ay Caawiso Kooxa Xagjirka ah waxa uu ku tilmaamay Wasiir Adhi Dhaqato Ah oon waxba ka garanayn Arimah Siyaasada.

Wasiirka Wasaarada Gashaan-dhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami sidaas waxa uu ku sheegay mar uu maanta
Saxaafada ugu Waramayay Magaalada hargaysa waxaana uu yidhi.

“Hadalkaas Wasiirka Ka soo yeedhay waa hadal Ay dabayshu Soo qaaday oo il-Duuf ah kuna Gabood Falaya Xidhiidhka Caadiga ah oon mid Qoto Dheerba Ahayn oo dadka Dariska ah ka dhaxeeya,Waana Mid Ay caadaystay Puntland In dhawayd Mataliyaashii Ciidanka ayaa is badalay,Anagu Garan Mayno,Lakiin Waxa Jira Warar ka Mamnuuc ah Arimaha Siyaasada.

Wasiirka Wasaarada Gashaandhiga Jamuuriyada somaliland Oo Hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Somaliland Hub Sharci Daro ah ayay qabatay waa Guul ay ku faanayso Lakiin Caalamka oo dhami maaha dal Caamo Ah,Cid walibana way Nagu bogaadisay Hubkas Aanu qabanay,Qoraalna waa Lagu Bogaadiyay.

Sidoo kale waxa wasiirka Hadalay ee Sheegay in Hubka Loowaday Kooxaha Xag-jirka ah ku sifeeyay inaanu aqoon Xeerka Badaha u yaal,waxaana uu ku tilmaamay Kuwa Adhi Raacato ah.

“Tuuk wal oo Aduunka Khatar ahi isagii ayaa is xaday Cidna Matiraah,Cid walba wuu baabiiyaa,Somaliland waxa ay ku faanaysaa Ciidamada Dhulka iyo kuweeda Bada,waxaana ay ku amaanan yihiin in ay ogadeen Marka Tuugo Loogu talo galay oo Cuntadii la Saraysiiyay Miinadii Hoosta la dhigay,waana qiso Cajiib ah oo Raashinkii ay bixin jirtay inji ee badwaynta badh lagu soo iibiyay badhna Dadkii lasiiyay ee ciidanku Markii danbe Qabteen,markabkiina la gubay Kabtankii dhintay ayuu kana lamid yahay uun.

waxa uu intaas raaciyay.”Badu Sharci Gooni ah ayay leedahay Sharcigii Bada ayaa laysla Marayaa,Maalin iyo labatoona kuma Dhamaanayso Xaqiiqaduna iyada oo sideeda u Maldahan ayay ifka u iman Doontaa,waxaanan la yaabanay khayr Qabahaasi sida uu ku danbayn Doono Marka ay xaqiiqdu timaado ileen dad wax dafira ayaa hada jiree.

Wasiir Cadami wax auu sheegay hadalka wasiirka ka soo yeedhay inuu keeni doono inaan waxba Layska Tudhin iyo Macaamilo Daro Waligeed jiri Doonta waxaana uu yidhi.

“Cida ay Nagu edeyeen ee ay shegeen inaanu xidhiidh la Leenahay way is ogtahay Cida Lagu xanto ee xidhiidhka la leh Somaliland Maaha Arinkaasi,Kuwii aanu qab-qabanay Ayaa Xabsiga ku Jira kuna Dhintay kuwii aanu qabanay Ayaa Halkii ugu darnayd Loo dhiibay,Ceebta leedahay inaad cid kale ku xamato waa kuu nasiib daro.

waxa uu sheegay eedaha aan loo meel dayin ee somaliland loo soo jeedinayo Hadaan Laga Fiirsan In ay iyaguna kaga jawaabi Doonaan Inta ay leegtay,Waxaana uu sheegay in aanay cidna Dhag u dhigayna Qaar uu ku sheegay in ay Yidhaheen hubkani waxa uu usocday Sodaan.

“Anaga iyo Puntland waxa noo dhaxeeya Hadaanay joojin Dhaqan Xumida,Hadii aan La dayn eedahaas Layska Eed Reebayo ladayn,waxaanu ku khasbanaan doonaa inaanu kaga jawaabno eeday ay noo soo jeediyeen  Mid ay Farta Dhexda kaga Qaniini Doonaan.

Maxamed Aadan ismaaciil Jiglan

COMMENTS
Latest News