Saddex carruur ah oo haraad ugu dhintay degmada Yeed ee gobolka Bakool.

0
27

Bakool(Saxilnews.com)-

Saddex carruur ah oo haraad ugu dhintay degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Degmadda Yeed ee gobolka Bakool oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee gobolka Bakool ayaa todobaadkaan waxa haraad ugu dhintay 3 carruur ah.
Cabdi Faaqid Duwane oo ah gudoomiyaha degmadda ayaa Ergo u sheegay in ceelkii biyaha uu jabay, ceelashii biyo gacmeedka ahaana ay gureen.
“Xilligaan oo jilaal kulayl daran ahi jiro, galbeedka miyiga degmadda waxaa ku dhintay saddex carruur ah, iyadoo kuwo kale oo aad u liitana la keenay degmadda, xoolihii waxay tuban yihiin duleedka ceelka in ka badan 5 maalmood iyagoo aan biyo haysan, carruurtaan dhimatay dhaankii biyaha ayaa ceelka ka soo jiray oo biyo la’aani ku dhacday muddo saddex maalmood 25 km ayeyna u jirtaa degmadda”

Haweenka ayaa deegaankaan iyagu ah kuwa biyaha dusha ku soo dhaamiya, iyagoo masaafo dheer u aroora, haraadkuna saamayn ku yeeshay, ayaad arkaysaa haween tiro badan oo dul tuban ceelkii matoorku saarnaa ee jabay.

Fartuun Cabdi Aadan waa 45 jir haysata 5 carruur ah waxay Ergo uga warantay biyo la’aanta ka jirta deegaanka
“Ceelkii ayaan dul tubannahay dhowr habeen, annaga dushaan ku dhaansanaa, ceelkiina waa jaban yahay, carruurihiinna iyagoo haraadsan ayaan guryihii uga nimid, meel hadda dhow oo biyo aan ka doonano ma jirto, wax aan samaynno ma naqaan”
Degmadaan ayaa waxaa ka xiran wadooyinka ka soo geli jiray degmooyinka gobolka ee Tiyeeglow, Rabdhuure, Waajid iyo Xudur oo horay markay sidaani dhacdo booyado biyo looga soo dhaamin jiray.

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here