Odayaasha Dhaqanka Gobolka Saaxil Iyo Xildhibaano Ayaa Qabtay Kulankii Ugu Balaadhna Ee Lagaga Hadlo Wareejinta Dekeda Berbera

0
19

Berbera (Saxil News.com)-Salaadiin,Xildhibaano,Aqoonyahanka iyo wax gardka Beesha Ciisa Muuse ayaa Maanta shir degdega ay ku yeesheen Hotel Xeebsoor ee Magaalada Berbera waxa ay kaga soo hor jeesteen Wareejinta dekeda Berbera oo beryihii u danbaysay ay Xukuumadu doonaysay inay ku wareejiso shirkado ajaanib,sidoo Kale waxay halkaas kaga dhawaaqeen inay Magacaabayaan Gudi arimahaas ka hadasha.Ber

Xildhibaan Saleebaan cali khayre oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay”in badan oo laydin baadhanaayay waa hurudeen alxamdulilaahi rabil caalamiin maanta mar hadii aad isu timaadeen oo aad ku doodaysaan xaqiinii,horena waanu uga hadalay waayo codkiina ayaanu ku joognaa hadii aanu gole degaan nahay,idinkuna dad wanaagsan baa tihiin oo waad na doorateen oo naga hadheen,waxaanay ahayd hadii aanaan waxba idiin qabanayan inaanu idiin ilaalino wixii aanu meesha ugu nimi,xukuumada iyo shacabka anagaa u dhaxayna,inbadan baanu ka hadalay oo nidhi waar waa laydinku soo duulay oo xukuumada maanta jirtaa way idinku soo duushay,fagasku wuxuu ku jahaysan yahay,Magaalo kasta cidbaa degan xaq bay u leeyihiin inay u tashadaan aayahooda iyo qaniimada ay ku taaganyihiinba,waxay ahayd in Gobolkasta wixii kasoo baxa Boqolkiiba afartan loo reebo wixii kasoo baxa,ka aan soo saarina la kabo oo mashaariic loo abuuro ilayn ilaahaybaa ku abuuray halkaase,Bajadka wadanka lagu maamulo Boqolkiiba shan iyo sideetan waxa uu kasoo baxaa Berbera,saw kama aradna,waliba laysama wadiin waxa ay uga aradantahay,mar hadii aad si waysiiseen Gole degaan ahaan codkiina inaanu idinku taageero xaqiina aad ku doodaysaan oo aan dibna loo lunsan’ayuu kusoo xidhay Xildhibaan Saleebaan hadalkiisa.ber2

odayda berbera2Gudoomiye ku xigeenka Gudida Dan iyo duco Maxamed C/laahi mire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay magacaabayaan Gudi loo danyahay oo ka hadasha waxyaabaha ay diidanyihiin oo dhan isagoo farta ku fiiqay in beryahana danbe ay maqlayeen waxyaabo aad loo diido.taasina ay sababtay in shirkan laysugu yimaado.

Shirkadahan dawlada ay afarta bilood u hadhsanyihiin doonaya inay lacag ku shubaan waanu u hanjabaynaa waxaanu leenahay,maalin aan maanta ahayn baa farta ka qaaniinaysaan”sidaas waxa yidhi mid ka kid ah odayaashii shirkaas ka hadlaayay.

waxaanu leenahay shirkadaha aan jirin ee ina hebel iyo ina hebel ah,ee kanbaniga lagu sheegayo,Dawladu iyadaa ka danbaysa suldaan wabar,mudo kordhinta ayay ka doonaysaa berbera ”sidaa waxa yidhi aqoonyaan Xuseen Luuq.

reer berberaXildhibaan Nuur C/Beegsi (Cawl) oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi”Axmed Siilaanyo dawladiisa iyo waxa ay wado dooni mayno,dadka sharcibaa wax isugu daray hadaynaan sharcigaa wada ilaashan waxba isugu keen jiri maayaan,meel walba cid baa degta waar hadii aanan berbera sheegan yaa sheegankara sidaas waxa yidhi”sidaas waxa hadalkiisa kusoo xidhay

Ciise Muuse wuu ka taahay Dekeda ayaanu ku leenahay dawlada ” sidaas wax Yidhi mid ka mid ah odayaashii ugu da,da waynaa ee goobtaas ka hadlay.

Rooda Axmed Yaasiin oo ayaa iyaduna gabagabadii halkaas ka hadashay”waxaan leeyahay waxna reer Saaxil bay u gaar yihiin waxna somaliland bay u gaar yihiin waxna reer saaxil,wixii reer saaxil u gaar a hala garto,dekada berbera somaliland baa wada leh laakiin reer saaxil ix tiraam la,aan baa u dheer,Magaaladaasi waxaa loogu soo noqnoqonayaa maaha nasteex,waxa weeye in saaxil la tirtiro oo aan dawlada siilaanyo waxba kaga tagin.

source:berberatoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here