Shil Baabuur ka dhacay Duleedka Hargeysa oo dhimasho iyo Dhaawaca Saraakiil dawladda ka tirsan sababay

0
22

Hargaysa (Saxil News.com)-

Allaah ha naxariistee Haweenay ayaa ku geeriyooday, saddex qof oo kale oo mid ka mid ahi yahay Guddoomiyaha Guddiga daba-galka iyo Baadhista Xasuuqii Somaliland ka dhacay sannadihii siddeetamaadkii Khadar Axmed like way ku dhaawacmeen Shil Baabuur oo shalay ka dhacay deegaanka Halleya ee Jidka dhinaca Bari ee Caasimadda Hargeysa laga soo galo, ka dib markii Gaadhi ay wateen uu ku dhacay Gaadhi kale.

SHIL GAARI

Saddexda qof ee dhaawacmay oo uu ku jiro Guddoomiyaha Guddiga dabagalka iyo Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like, ayaa lagu dawaynayaa dhaawacyadooda Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo la sheegay inaanay dhaawacyadoodu ahayn kuwo aad u culus.

Shilkaasi ayaa yimi markii ay isku dhaceen Gaadhi ay wateen oo la sheegay inuu ahaa Brado Toyota uu gaadhi ka deba-tegay oo Nooha lagu sheegay dhinaca dambe ka galay, sidaasna uu ku dhacay Gaadhigan dadkii watay khasaaruhu soo gaadhay. Waxaana la sheegay inay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee deegaanka Halleeya ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan laba qof oo watay Gaadhiga Noha-da ahaa ee Gaadhigan ku dhacay, kuwaasoo isku dayey inay baxsadaan oo ay Gaadhi kale halkaas ka raacaan, balse ay Boolisku ka reebeen oo la xidhay.

Marxuumadda dhimatay Allaah ha u naxariistee, ayaa la sheegay inay ka timid dalka dibeddiisa, lana odhan jiray Canab, isla markaana ay Dumaashiyo ahaayeen Guddoomiye Khadar Axmed Like, sidaa awgeedna ujeeddada ay u socdeen ee ay gelinkii hore ee shalay uga baxeen Hargeysa ahayd sidii loo soo eegi lahaa Beer ay Marxuumaddu ka iibsatay Deegaanka Dararweyne.

Waxa Socdaalkan Khadar Axmed Like iyo Marxuumadda ku weheliyey sida la sheegay labada qof ee kale ee iyagana dhaawacyadu soo gaadheen oo mid ka mid ahi Xubin ka ahaa Guddiga daba-galka iyo baadhista Xasuuqa, halka Xubinta kalena lagu sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Beeraha Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here