Madaxweyne Farmaajo Oo Xilalkii Ugu Horeeyey Magacaabi Doona , Xilalka Ay Noqon Doonan Iyo Cida Loo Magacaabi Doono

0
24

 

Moqdisho (SaxilNews):- Iyadoo maalinta berri lagu wado in Madaxweyne Farmaajo la wareego XafiiskaMadaxtooyada, ayaa waxaa soo baxaya shaqsiyaad loo magacaabey xilalka ugu sareeya ee Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Shaqaalihii hore ee la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya inay faaruqiyaan Madaxtooyada, waxaana xilalka ay baneynayaan ay yihiin kuwo loo wada ordayo oo cid walba ay dadaal ugu jirto inay buuxiso.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magacaabo xilalkii u horeeyay Madaxtooyada, sidaAgaasimaha Madaxtooyada, Madaxa Hab maamuuska, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabi doono Taabit Cabdi Maxamed oo ahaa Safiir kuxigeenkii Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, haatan ka mid ah howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo.

Taabit ayaa horay u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, waxaa lagu tilmaamaa nin shaqo badan, oo horay wax badan soo qabtay, intii uu Madaxtooyada joogay, waana sababta Madaxweyne Farmaajo xilkaas ugu magacaabayo, maadaama uu yahay nin aqoon u leh Madaxtooyada howlaheeda.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in Taliyaha Madaxtooyada loo magacaabo Jen. C/llaahi Cali Caanood oo horay xilkaas hayay xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa socda galaan gal badan oo loogu jiro xilalka Madaxtooyada oo noqon doona kuwa ugu horeeyay ee Madaxweynaha magacaabi doono, waxaana dad badan ay daneynayaan inay ka ag-dhawaadaan Madaxweynaha oo ay noqdaan gacan-yareyaashiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here