Saxilnews.com
Cali Mareexaanka Wasaaradda Howlaha Guud Oo Indha Ka Qarsanaya Bog-Cad Halis Badan Bulshadda Hargaysa Ka La Kulmayso + Cabashada Shacabka Uu Uu Dhagaha Ka Furaystay
February 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-  Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee somaliland Cali Xasan ayaa dhagaha ka furaystay qaylo-dhaan fara badan oo ka soo yeesdhaysa bulshadda ku dhaqan caasimadda hargaysa, gaar ahaan dadka iskaga goosha biriishka wayn ee magaaladda hargaysa.

Biriishka wayn ee halbowlaha u ah isu-socodka labada xaafadood ee koonfurta iyowaqooyiga hargaysa ayaa halis ugu jiray in uu go,o.

Waxaana muuqda biinanka hoose ee uu ku taagan yahay,

Wasiirkan ayaa waxaa dhawaan fariin u diray ganacsatada suuqa ganacsiga ee waaheen.

Wasaaradda howlaha guud ayaa u xilsaaran wax ka qabashada arrimahan.

Shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa todobaanka aad u hadal hayay sababta wasaaradda Cali Mareexaan wasiirka ka yahay ay indhaha ugu la-linayso howshan baaxadda halista ah leh ee u baahan in laga hortago.

Lama garanayo sababta keentay in wasiirku khatarta biriishkan ka iman karta uu ugu hakaday,

Mar aanu isku daynay in aanu wasiirka wax ka waydiino biriishkan iyo cabashada dadwaynahan ayaa uu naga qaban waayay mobile-kiisa gacanta

Geesta kale waxaa la galay xili roobaadkii la sugayay raxmad eebe insha-allaah

Xigasho:-Hangoolnews

COMMENTS
Latest News