Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha cusub ee habeenkii xalay ahaa loo doortey in uu dalka Somaliyahogaamiyo afarta sanno ee socda Muddane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ilaalinta amnigiisa ku wareejiyey ciidan cusub oo aan hore u ilaalin jirin madaxweynayaasha dalka Somaliya
Muddane Farmaajo waxaa uu ilaalinta amnigiisa ku wareejiyey ciidanka nabad sugida dalkaasi ee lagu magacaabo NISA
Waxaa xusid muddan in madaxweynayaasi hore ee dalkaasi aanay amnigooda masuul ka ahey ciidanka NISA balse ay ilaalin jiren ciidanka nabad sugida dalkaasi u jooga ee AMISOM