Saxilnews.com
Daawo:-Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Xisbiga Waddani Oo Cod Dheer Ku Sheegay In Uu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ugaadhsi Ba,an Ku Hayo …..
February 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Qaar ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ay ka mid yahiinXassan Xussen Codyare iyo Maxamed Jaamac Daadey ayaa waxaa ay eedeemihii ugu cuslaa hawda u mariyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici .

Image may contain: 3 people, people standing

Masuulyiintan ayaa waxaa ay sidoo kale si kulul u canbaareyeen xadhiga ay xukuumadu u gaysatey gudoomiyihii gobalka Awdal ee xisbigaasi iyo maayar ku xigeenkii magaalada Borama oo ay ku eedeyen in uu xadhigooda ka danbeeyey ka danbeeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland , waxaana ay xukuumada ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii loogu soo celiyo labadaasi masuul

 

Waxaana iyaga oo hadalka sii wata masuulyiintani ay sheegen in madaxweyne ku xigeenku uu carqaladeen ku wado nabad galyadii Somaliland

Dhinca kale waxaa ay masuulyiintani sheegen in Madaxweyne ku xigeenku uu ugaashi ku hayo shacabka Reer Awdal ka dib markii ay xisbiga uu ka sharaxan yahay dhabarka u jeediyeen isla markaana uu wax taageero ah ka waayey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News