Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Mar labaad Ku Guul-daraystay Fulinta Balan-qaadyo ay Hore Bulshada ugu Sameeyeen

0
21

Hargeisa (Saxilnews.com)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday sababaha ay ilaa hadda u gudan waayeen waajibaadkii ka saarnaa diyaar-garowga hawlaha shardiga u ah in Doorasho ku dhisan nidaam xor iyo xalaal ahi si salmi ah dalka uga qabsoonto.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa mar labaad ku guul-daraystay fulinta balan-qaadyo ay hore bulshada ugu sameeyeen oo ku aadanaa bilowga xiliyada Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Wacyigelinteedu dalka ka bilaabmayaan, kadib markii ay ku fashilmeen inay Wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Togdheer ka bilaabaan 21-kii bishii July 2015. sidoo kale Komishanku waxay ku fashilmeen inay hawlaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha bilaabaan waqtigii ay hore ugu mudeeyeen, taasoo waxba kama jiraan ka dhigtay Dikreeto Madaxweynuhu bishii April ee Sannadkan ku dhaqangeliyey xiliga diiwaangelintu gobolada dalka oo dhan ka bilaabanto.

Haddaba Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Siciid Cali Muuse oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa mar u ka hadlayey arrinkaas, waxa uu yidhi; “..Komishan ahaana waxanu ku shaqeynaynaa waqtiga ku haboon qabsoomida Doorashada, iyadoo Doorashada ay ka horeyso Diiwaangelin, Diiwaangelintuna dabcan waxay ku salaysan tahay waqtiga Doorashada la qabanayo, haddii aan waqtiga Doorashada la hayn markaa Diiwaangelini ma suurtoobayso..”.

Hadalkan kasoo yeedhay Komishanka Doorashooyinka oo lid ku ah go’aamo iyo dhawaaqyo ay hore ugu asteeyeen jadwalka hawl-qabadkooda, ayaa dadka arrimaha Siyaasadda falan-qeeya qaarkood ku fasireen gef ku ah dhex-dhexaadnimadii Komishanka, kuna xidhiidhinaya khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada ay garsoorka u yihiin. Sidoo kale dadka aragtidan qaba ayaa aaminsan in xubno ka mid ah hoggaanka Komishanka Doorashooyinku ay arrimo Siyaasadeed uga faa’idaysanayaan Masuuliyadii ay Qaranka u hayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Hassan aadan

 

 

WWW.saxilnews.com

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here