Saxilnews.com
Maayarka Berbera Oo Maxakamadda Sare Dacwad Looga Gudbinayo Iyo Waxyaabaha Loo Haysto.
August 16, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Ururka Guud ee Shaqaalaha Somaliland,ayaa Maayerka degmda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin ku eedeeyay in uu ku tacadiyay 140 qof oo shaqaalaha Dawladda Hoose ee Berbera ka mid ahaa oo uu shaqdoodii uga eryay sifo sharci darro ah.

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Somaliland Maxamed Axmed oo u warramay qaar kamida warbaahinta  waxaa uu intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay in shaqaalaha lagu dhaqo laguna maamulo xeerka Shaqaalaha Somaliland kaasoo uu sheegay in uu si cad u qeexayo xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha.

Xoghaye Maxamed oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Waxa noo yimi xubno ka mida ah shaqaalaha dawladda hoose ee magaaladda Berbera oo ka cabanayay maayarka Berbera oo shaqadii ka eryay.Shaqaaluhuna marka ay cabanayaan waa inay u yimaadaan ururka shaqaalaha Somaliland in odayaal iyo reer ay doontaan maaha.”

Xoghayaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray. ”Shaqaalaha marka la eego qaybaha innaga qabyada ahi waa shuruucdii shaqaalaha sannadkii 2007 ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ayaa waxa uu sameeyay xeerkii nidaamiyihii shaqaalaha, dawladda hoose waxaana weeye in lagu dhaqo shaqaalaha.”

Mar uu ka hadlayay wuxuu Maayerku ku sheegay eriga shaqaalaha ayuu yidhi.”Maayarka magaalada Berbera waxa uu sheegay in shaqaalaha uu eryay ay u qaybsameen nin ku takrifalay hantidii dawladda ninkaa hantida dawladda ku takrifalay waxa ku shaqo leh hay’adaha hanta dhawrka oo ah in ay go’aan ka gaadhaan mawduucan xasaasiga ah ee masuul kaliya iska dareerinayo boqol qof iyo in ka badan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

www.Saxilnews.com

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News