Saxilnews.com
Laba Masuul Oo Iska Casilay Xisbiga Waddani……
August 16, 2015 - Written by admin

Hargeisa (Saxilnews.com)- Laba masuul oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa shaaciyey inay guud ahaan iska casileen shaqadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Masuuliyiinta is casilay ayaa sheegay inay xisbiga uga baxeen arrimo la xidhiidha qabiilka iyo qabyaalada oo xisbiga ku soo badanaayey sida ay sheegeen.

Labada masuul ee xisbiga iska casilay ayaa kala ah Farax Cabdi Dhoobaale oo ahayd xidhiidhaha jaamcadaha ee xisbiga Waddani iyo hogaanka qorshaynta heer qaran ee Waddani, waxaanay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed hassan

www.Saxilnews.com

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News