Badwaynta Midhiteriyanka Oo AY Ku Dhinteen Todobaadkan Ilaa 200 Qof

0
24

Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in hadda loo maleynayo in ka badan 200 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Meditaraniyanka maalmihii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay ka gudbaan badda.

Qaramada Midoobay ayaa wareysatay dadkii ka soo badbaaday oo ay soo qaadeen ilaalada xeebaha Taylaaniga iyagoo biyaha dulsabeynaya.

Waxay sheegeen in tiro badan oo muhaajiriin ah oo saarnaa doon yar ay qaaday badda kadib markii ay ka soo safreen Libiya. Bishii November ayey Talyaaniga joojiyeen howlgal sanad ahaa oo lagu badbaadinayay muhaajiriinta badda ku safraya.

Hay’adda qaxootiga ayaa ka digtay in go’aankaasi uu keenayo dhimasho badan.

Wariyaha BBC-da ayaa sheegaya in ugu yaraan rubuc kuwa qatarta u galaya inay badda ka gudbaan aysan aheyn muhaajiiriin dhaqaale doon ah basle ay yihiin kuwa ka imaanaya Suuriya.

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here