Saxilnews.com
XUSKA 20KA FEBRUARY MA MAALINTII DHAGAXTUURKII ARDEYDAA MISE WAA MAALINTII DHAGAXTUURKA EE DHALINYARADII UFO?
February 12, 2015 - Written by admin

Xadhiga UFO wuxuu ka mid ahaa tacadiyadii, iyo cadaadiskii dadka lagu hayey ee ardeyda iyo ummaduba ay guud ahaanba ka dagaalameyeen

February 8, 2015

Waxaa fooda inagu soo heysa sanad guuradii 33naad ee Dhagaxtuurkii ardeyda. Muddo dheer ayaa taariikhda maalintan qadarinta mudan si khaldan loo wadey oo la dhaxal wareejiyey. Waxaa laga qaadey mudnaanta kowaad dadkii lahaa ee u xabaal galey. Waxaa la dhaxal siiyey dad aan falkaa far iyo gacantoona ku laheyn oo mudnaanteeda hore iyo dambeysaba la huwiyey. Waxaan ka hadlayaa waa odayaasha UFO oo xiligaa Dhagaxtuurka dhalinyaro u badnaa. Waxaa maalintan Dhagaxtuurka sidii wadankaba loogu soo noqdey, loogu yeedhaa Maalintii Dhagaxtuurkii Dhalinyaradii UFO. Hada ogowoo intii aan wadanka laga bixin ardeydu lix sanadoodba wey xuseyeen maalintan Dhagaxtuurka’e. Waxaa loogu yeedhi jirey Maalintii Dhagaxtuurka Ardeyda ee

20kii February. Waa sidii saxda aheyd ee xaqu ahaa. Waa intii aan la siyaasadeyn maalintan. Waa intii aan magac doon jirin. Waa intii la biqi jirey. Waa intii xuskeedu dilka, xabada iyo xadhiga uu ahaa. Hada xidhiidhka UFO iyo Dhagaxtuurku waa mid aan muran ku jirin gadaalna aan si kooban uugaga hadli doono, Hase ahaatee, UFO dhagax mey tuurin, ardeyna mey aheyn, ee xukun sugayaal xabsi ku jira ayay ahaayeen oo u badnaa macalimiin, dhakhaatiir, baayacmushtar, agaasimayaal iyo shaqaale kale. Iska daa wax kaloo, daawadayaal kamey aheyn iyo difoosayaal toona UFO Dhagaxtuurkii. UFO gurmad iyo garab ayey ardeydu u aheyd.

Xadhiga UFO wuxuu ka mid ahaa tacadiyadii, iyo cadaadiskii dadka lagu hayey ee ardeyda iyo ummaduba ay guud ahaanba ka dagaalameyeen ee ilaa lixdankii soo taxnaa. UFU qudheedana loo xidhey markii ay isku dayeen inay wax ka qabtaan kana hadlaan dayicii iyo dibandaabyadii umadda ku habsatey.

Hadaba hadii arintan UFO lagu huwiyey mudnaantii koowaad ee Dhagaxtuurkii ardeyda loo kuur galo, ee ardeydii u xabaasha gashey ee falkeeda laheydna lagu duudsiyey, waxey lamid ahaan laheyd, iyadoo Maalinta Shuhadada inta magaca laga badalo loogu yeedho Maalintii Dadkii Shicibka la Xoreynayey oo mudnaanta la siiyo kuwa la xoreynayey halka laga siin lahaa kuwii wax xoreynayey. Ujeedada loo leeyahey waa Maalintii Shuhadada ee aan loo odhan waa Maalintii Shicibka la Xoreynayey, waxa weeye in la qiimeeyo dadkii ficilkan xoreynta iska lahaa oo waliba la xuso kuwii naf iyo laxaadba ku waayey.

Si kooban hadaan hadaba u dul maro Dhagaxtuurka taariikhdiisa, waxa aynu wada ogsoonahey oo aan muran ku jirin dadkii xiligaa garaadka lahaana ay usoo taagnaayeen in kacdoonkii Dhagaxtuurka ee bishii Februay, 1982kii ee ka bilaabmey Hargeysa aakhirkiina ku fidey intooda badan magaalooyinkii ku yaaley dhulkii laysku odhan jirey Gobolada Waqooyi, ay ka dambeeyeen, kana ahaayeen gadhwadeen, ardeydii xiligaa dhiganeysay Dugsiyadii Sare caawimo xooglana ka heleen hooyooyinka. Ardeydaasi iyagaa tuurayey dhagaxa, iyagaa u xabaal galey, iyagaa xidhig iyo xabsi daa’in iyo daldalaad loogu xukumey, iyagaa u naafoobey oo u laxaad waayey. Waxaan u socdaa 20ka February waa maalintii Dhagaxtuurkii Ardeyda; Maaha maalintii UFO. Maan sheegin hadii umadu isla garatey oo ay isla meel dhigtey in la duudsiyo taariikhdii kuwii inoo god galey. Hada ogow UFO mudnaanteeda iyo xuskeeda wey leedahey iyo in maalin u gaar ah loo sameeyaba.

Hadii aan wax kooban ka idhaahdo wixii sababta u ahaa kacdoonkaa ardeyda, wuxuu ahaa mid lagu diidanaa tacadigii xad dhaafka ahaa ee dawladii Siyaad Barre ku heysey ummada hadda ku dhaqan wadankan Somaliland ilaa iyo maalintii uu xukunka dalku gacata u galey. Tacadigaasi wuxuu isugu jirey xadhig bilaa sababa, dhaca hantida gaarka loo leeyahey, caga jugleyn iyo dil sharciga baal marsan. Run ahaatii, kacdoonkan ardeydu sida guud ahaanba halgenkeenu ahaa, wuxuu ku arooraa aafadii laga dhaxley isu taggii aan la mahadin ee labadii Soomliyeed iyo sadqeyntii Maandeeq. Xiligaa uu Dhagaxtuurku bilaabmi doona wuxuu ahaa xili ay dadka reer Somaliland dagaa ay shucuurtoodu cirka ku shareereyd, loona xadhko xidhey wada tashi iyo iskaashi leyskaga caabiyayey xukunkii Siyaad Barre kaas oo hordhac u noqdey ololeyskii halgankii hubeysnaa ee la soo noqoshadii Maandeeq.

Hadaba ka hor intaan Dhagaxtuurku dhicin, waxaa jirey urur qarsoodi ahaa oo ay ardeydu lahayd oo la odhan jirey Somali Students Movement (SSM). Waxaa urukaa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Muj. Barre Xaaji Cilmi Axmed (Badho) oo ahaa ardeygii iyo qofkii uugu horeeyey ee ku shahiidey Dhagaxtuurkan duhurkii, Sabtidii, bishii, February 20 keedii, 1982 kii.  Ururkan ardeyduna falcelin ay ardeydu ka falcelinayeen dhibtii umada ku habsatey iyo duruufihii wadanka ka jirey ayuun baa keentey sameyntiisa. Waxaa iyana xusid mudan in ururo kale oo qarsoodiya oo dhowr ahaa oo ardeydu laheyd ay sameysmeen Dhagaxtuurkii u horeeyey in yar ka dib.

Aan hadaba ku soo noqdo UFO iyo xidhiidhka Dhagaxtuurka’e, iyadoo ay sidaa tahey xaaladdii kacdoonkii umaddu, ha ahaato, sameystii SNM, Jabhadii Afraad, dhaqdhaqaaqyadii gudaha ee saraakiishii milatariga ee Ilaahey ha u naxariistee Muj. Lixle, Aaden Shiine, iyo niman kalaba ay gadhwadeenka ka ahaayeen, siyaasiyiintii, cuqaashii, abwaanadii suugaanta, aqooyahanadii, iyo ardeydii, ayaa laxidhey dhalintii UFO oo ay waliba dhowr macalina ku jireen. Xadhigan UFO wuxuu markaa u noqdey, gaar ahaan ardeydii iyo guud ahaanba umaddii kalaba, gobo’dii u dambeysey ee fatahisey dhiilkii nafsiga umaddu ku biirey ee fataha qarqarka u saarnaa ee ilaa iyo lixdankii la dhaaminaayey. Wuxuu noqdey xadhigoodu waxa uu Ingriis frenji yidhaahdo “the last straw that broke the camel’s back.” Waa kaa xidhiidhka ka dhexeeya Dhagaxtuurkii ardeyda iyo UFO. Sidaasey ardeydu iyagoo u gurmanaya UFO, isla markaana cadeysanaayey iney u soo banbaxeen halgan ka dhan ah Siyaad Barre, ay dhagax iyo ciid iyo finiin wixii ay haleeleenba ku afrogeen Afweyne iyo xukunkiisii kuna noqdey Dhagaxtuurku ficilkii mideeyey halgankii gooni goonida ay u kala wadeen kooxihii kala duwanaa ee bulshada reer Somaliland. Waa markii uu halganku noqdey halgan ummaddeed ee uu ka gudbey mid ku saleysan koox-koox, suurtogaliyeyna in halgankii sibuuxda gudo iyo dibadba isla jaanqaado oo uu yeesho hal hogaan oo qudha oo hoostaga SNM. Dhagaxtuurkii ardeydu waa arintii bisleysey ee qaangaadhka ka dhigtey halgankeenii. Waxaa sharaxaadda mowduucan igaga afdheer abwaannada waaweyn ee ay ka mid yihiin Aaden Tarabi, Hadraawi, iyo Axmed Ismaaciil (Qaasim) oo murti ku xardhey tariikhdii Dhagaxtuurkii ardeydu siduu u dhacey iyo kaalintii uu ku lahaa kacdoonkii umadda iyo soo dhicintii Maandeeq. Waa gabayadii ay ku jireen beydedkani:

 

Hambaabir dhawaanta

Hawraar iyo maanso

Dagaal wata heeso

Hidey u laheyde

Hargeysi ma toostey.

Harqoodka matuurtey

Waxey hibaneyso

Ninkey la hadleyso

Hagaag ma usheegtey.

Hadey samo weydo

Iney hantideeda

Nafteeda hureyso

Hubaal ma cadeysey.

Aleylehe waa hog

Shax aan la hilmaamin.     Hadraawi.

 

Maalintii dhaweyd

Dhadiggii jihaad dhaba beygaleen.

Caruurtuna Dhadhaab

Dhulka tiileybey

Dhirta ula baxeen.

Dhana hadalo culus

Oo dhaxal galaa

Dharka ugu qoraa.

Nina ka dhowrsan meyno.

Dhimasho diidimeyno.

Dhawaaqii ardeyda

Dhambaalladii qoraa

Dhago uma laheyn.

Ummaddii dhameyd

Sida dhibicda roob

Kaga dhige rasaas.

Dhagaxiyo madficii

Leys dhaafsayoo

Gadmey dhaawacii.

Dhimashada xaqi

Waa dhaqan wadani.      Aadan Trabi.

 

Da’ada naga yareey waxaad fasheen, waan ku diirsadeye.

Deymooney baalaha, sidii duul baraarugaye.

Alleh ha idin daayee xilbaad, naga dul qaadeen.       Qaasim.

 

Waxaan ku soo gabogabeynayaa marna kamaan fileyn in ay umadaydu, gaar ahaanna, odayaasha UFO, duudsiyaan xaqqii iyo mudnaantii dhiiggii Mujaahid Barre Xaaji Cilmi Axmed iyo kuwii kale ee qudh iyo laxaadba u waayey gurmadkooda iyo difaacooda oo ay UFO isasiiso mudnaanta kowaad ee Dhagaxtuurkii iyo halgankii ardeyda. Waxaa kale oo layaab leh in shicibka, dawladda iyo khaasatan ururrada dhalinyaradu ku daawadeen arintan UFO. Waxaan UFO leeyahey fadlan waxaa qurux badan inaad idinku saxdaan taariikhdaa oo aad ku celisaan cidii xaqa u laheyd. Waa xujo culus oo gudashadeedu idinku waajibtey.

 

Salaamulaah Caleykum,

Yuusuf Maxamed Ciise.

berbera2002@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News