“Waxaanu Xisbi ahaan u gudbinnay Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda mudane Sharma’arke Geelle liiska shaqaalihi dhawaan Xisbiga Kulmiye u magaacabay garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Kulmiye.
Ujeedkayagu waa in sharciyadda la ilaaliyo oo shaqaalaha dawladdu ka madaxbanaanadan asxaabta qaranka si loo sugo dhex ahaantooda, warqaddan waxa ku lifaaqan shuruucda xaaramaynaya in shaqaalaha dalwladdu ku biiran ama xil ka qabtaan asxaabta siyaasadda iyo wareegtadii madacweynaha qaranka ee shaqaalaha ka mamanuucday ka mid noqoshada Xisbiyada.
Qarannimada iyo dawladnimada habbooni waa in la dhawro shuruucda iyo qawaaniinta u yaalla qaranka, muhiimaddu waa in shaqaalahaasi ixtiraaman sharciga oo ay xulahshadooda ku xalaashadaan ka sii mid ahaanshaha shaqaalaha qaranka iyo qabashada xilka Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.” Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Maxamed Sidiiq