Saxilnews.com
Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Oo Dacwad Ka Dhan Ah Xubno Uu Guddoomiyaha Kulmiye Magacaabay U Gudbiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
November 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

“Waxaanu Xisbi ahaan u gudbinnay Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda mudane Sharma’arke Geelle liiska shaqaalihi dhawaan Xisbiga Kulmiye u magaacabay garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Kulmiye.15181274_1232394220153461_5734303312505379330_n

Ujeedkayagu waa in sharciyadda la ilaaliyo oo shaqaalaha dawladdu ka madaxbanaanadan asxaabta qaranka si loo sugo dhex ahaantooda, warqaddan waxa ku lifaaqan shuruucda xaaramaynaya in shaqaalaha dalwladdu ku biiran ama xil ka qabtaan asxaabta siyaasadda iyo wareegtadii madacweynaha qaranka ee shaqaalaha ka mamanuucday ka mid noqoshada Xisbiyada.

Qarannimada iyo dawladnimada habbooni waa in la dhawro shuruucda iyo qawaaniinta u yaalla qaranka, muhiimaddu waa in shaqaalahaasi ixtiraaman sharciga oo ay xulahshadooda ku xalaashadaan ka sii mid ahaanshaha shaqaalaha qaranka iyo qabashada xilka Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.” Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani Maxamed Sidiiq15181246_1232394496820100_6061307560908378775_n

COMMENTS
Latest News