Saxilnews.com
Muslimiinta dalka Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii Jaamacadda Ohio
November 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in nin Soomaali ah oo llagu magacaabay Cabdirazaaq Cali Cartan uu weeraray jaamacadda Ohio.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir, ayaa sidoo kale ardey ahaa.

In kabadan 10 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Ninkaasi ayaa markaasi ka dib gaariga ka degay wuxuuna billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale.

Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

Booliska waxay sheegeen in arrintaasi ay baarayaan si ay u ogaadaan inuu ahaa mid argagixiso ama weerar kale.

Ciidamo badan ayaa gaaray xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowdayImage copyrightAP
Image captionCiidamo badan ayaa gaaray xarunta jaamacadda Ohio markii uu weerarka bilowday

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay.

Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

COMMENTS
Latest News