FBI-da Mareykanka Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Baadhitaano Ay Ku Sameyeen Email-da Hillary Clinton .

0
19

USA (Saxilnews):- FBI – Mareykanka oo ku mashquuleysanayd maalmihii u danbeeyay baadhitaan 

laxidhiidha Emails ka Hillary Clinton ayaa soo gabagabeeyay , baadhiteen ay ku sameeyeen dufacad cusub oo ah Emails keeda gaar ka ah.

FBI – Mareykanka oo faahfaahin ka bixisay natiijadii baadhitaankooda ayaa sheegay inayna helin wax caddeyn dambiyeed ah oo laxidhiidha Dufcaddii cusub ee emails ka Hillary Clinton, arrintan ayaa dhiiri galinaysa ololaheeda doorasho ee uga hadhsantahay oo kaliya labo maalmood.

Madaxa FBI James Comey ayaa u sheegay golaha Congress ka Mareykanka , in wakaaladiisu kuwayday danbiyo laxidhiidha Emails ka looga shakisanaa inay danbiyo ku gashay intii ay ahayd Xoghaya nareykanka.

Waxa uu intaas ku daray inayna taxaddar lahayn bishii July , balse aanaan ku helin danbiya xasaasi ah oo ay gashay wakhtigaas.

Source:- Source: BBC World Service

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here