Hargeysa (Saxilnews):- Maamulka Dugsiyada caanka ah ee Nuuradiin Schools oo qaybokala duwan oo waxbarasho ku leh Gudaha Magaalada Hargeysa ayaa ka soo hor jeestey amarkii Xukumada Somaliland ee isticmaalka Shilinka Somaliland.
Warar naga soo gaadhaya qaar ka mid ah waalidiinta Ubadkoodu Wax ka bartaan Dugsiyada Nuuradiin ayaa sheegaya in uu maamulka sare ee Nuuradiin diidey qabashada lacagta shilinka ah ee Somaliland
isaga oo qofkii la yimaada shilinka Somaliland ku xidhaya shuruud aanay awoodayn waalidka Qaarkood kaasi oo ah in 1 Doolar uu u soo xisaabiyo 9000 kun( Sagaal Kun ) oo shilinka Somaliland ah amaba uu u keeno lacagtii Doolarka ahayd oo halkii ardayba uu ka qaado 25$ doolar inkasta oo ay jiraan dad bixiya lacag ka badan25$ kan kuwaasi oo ah kuwa raaca basaska ee ay xaafadahoodu ka fog yihiin goobta dugsiga ee ay soo qaadaan basaska u diwaan gashan dugsiga.
Iyada oo xisaab ahaan 25$kii Doolar Shilin ahaan ku noqonaayso 175,000 ayaa waxaa uu Iskoolku isagu ku rabaa 225,000 oo shilinaka Somaliland ah waxaana uu halkii Doller ku rabaa 9000
Amarkan ay diideen maamulka Nuuradiin Schools oo ah in ardaydu ay ku bixiyaan Lacagta Bisha Shilinka Somaliland ayaa waxa dhawaan isna amarka sii adkeeyey oo Dugsiyada dalka ku amray in ay lacagta Fiiga Dugsiyada ku qaataan Lacagta Somaliland Wasiirka WasaaraddaWaxbarashada Somaliland C/laahi Ibraahim Habane iyada oo ay xusid mudan tahay in Xukumada Somaliland qiimo go’an u goysey sarifka Lacagta Doolarka iyada oo Wareegto lagu soo saaray in halkii Doolar lagu sarifo gacanta dambe 7000 oo shilinka Somaliland cidii halkaasi dhaafisanaa ay mudan doonto in talaabo laga qaadi doono.