Saxilnews.com
Daawo:-Sheekh Caan Ka Ah Somaliland Oo Taagero U Muujiyey Go,aanka Ka Soo Baxay Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka Donlad Trump
February 5, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somalilandayaa waxaa uu tageero u muujiyey go,aan dhawaan ka soo baxay madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump

Go,aanka uu sheekhu taageerada u muujiyey ayaa waxaa uu yahay mid uu Donald Trump dhawaan ku sheegay in aanay dalkiisa soo galin dadka muhaajiriinta ah ee ku nool 7 dal oo dalka Somaliya ku jirto

 

Waxaa uu ku sifeeyey Donlad Trum in uu yahay shaqsi ka shaqeynaya sidii ay umada muslimka ahi ay u midoobi laheyd isla markaana waxaa ugu baaqay in dhamaan dadka soomaliyeed ee dalkaasi jooga sida uga dhakhsaha badan uga soo saaro oo uu ku soo celiyo dalkoodii oo uu sheegay in uu u baahan yahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News