Gudoomiyaha ayaa waxaa uu si cad u sheegay in fadhigaas uu madaxweyne Siilanyo isku yeedhay laba Gole uu yahay mid baal marsan shariga iyo Dastuurka dalka u yaala , isla markaana ilaa iyo hada aanay garaneen sabab uu madaxweynuhu isku yeedhay labada Gole mar hadii aanay jirin wax heshiis ah oo lala galay dawlada imaaradka sida uu wasiir Sacad Cai Shire sheegay
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu cadeeyey in xildhibaanada xisbiga Waddani iyo masuulyinta xisbigiisaba uu la qabo fikirkooda ay ku diidan yahiin saldhiga Military ee dawlada imaaradka laga siinayo magaalada Berbera , waxaana uu si adag uga digay dhibaatada ka dhalan karta hadii xildhibaanada Baarlamaanku bari ay ansixiyaan
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=uon_LsSuKoQ