Saxilnews.com
Deg Deg :- “Fadhiga Uu Madaxweynuhu Isku Yeedhay Golaha Baarlamaanka Waa Mid Dastuurka Baal Marsan..” Gudoomiye Ciro Oo Caawa Warbaahinta La Hadley
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah musharaxa madaxweyneee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu caawa si deg deg ah isku yeedhay saxaafada , waxaana uu gudoomiyuhu si adag uga hadley madaxweyne Siilanyo oo bari hor iman doona fadhi wada jir ah oo labada gole yeelan doonan oo uu kala hadli doono saldhiga Military ee Imaaradka  , isla markaana waxaa uu cadeeyey mawqifka uu isagu arintaasi ka taagan yahay

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu si cad u sheegay in fadhigaas uu madaxweyne Siilanyo isku yeedhay laba Gole uu yahay mid baal marsan shariga iyo Dastuurka dalka u yaala , isla markaana ilaa iyo hada aanay garaneen sabab uu madaxweynuhu isku yeedhay labada Gole mar hadii aanay jirin wax heshiis ah oo lala galay dawlada imaaradka sida uu wasiir Sacad Cai Shire  sheegay

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu cadeeyey in xildhibaanada xisbiga Waddani iyo masuulyinta xisbigiisaba uu la qabo fikirkooda ay ku diidan yahiin saldhiga Military ee dawlada imaaradka laga siinayo magaalada Berbera , waxaana uu si adag uga digay dhibaatada ka dhalan karta hadii xildhibaanada Baarlamaanku bari ay ansixiyaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News