Saxilnews.com
Warbixin:– Deegaanka Debis Waa Mid Ka Aradan Gabi Ahaanba Baahiyaha Aasaasiga Ah + Sawiro
February 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Debis (Saxilnews) Deegaanka Debis oo magaalada Hargeysa kaga beegan 95-km dhanka bariga ayaa gabi ahaanba ka aradan baahiyaha aasaasiga.

Deegaankani waxaa uu ku yaala goobtii ay ahaan jirtay wasaaradii dhirta iyo daaqa ee dawladii kacaanka aheyd ee Siyaad Bare.

Deegaankan Debis oo ah deegaan aad u balaadhan ayaa ka aradan gabi ahaanba baahiyaha aasaaska u ah nolosha bini’aadamka sida, caafimaadka , waxbarashada, wadooyinka iyo wixii kale la hal maala.

Cawil Cabdi Xayd waa mid ka mida odayaasha deegaanka Debis waxaanu nooga waramay in caqabadaha noloshada dib u celiyay ee ay  horumar ka sameyn waayeen ugu weyn yihiin waxbarashada iyo caafimaadka waxaanu yidhi “Goobtani waxaa ay ahaan jirtay wasaaradii dhirta iyo daaqa ee xukuumadii Siyaad-bare, kani waa iskuulkii wakhtigaa wax lagu baran jiray, sidoo kalena kani waa MCH-kii wakhtigaa dadka lagu daweyn jiray labadiibana waa kuwaasi burbursan, 26-ka sanadood ee Somaliland ay jirtayna ma jirto cid wax ka qabatay dib u dhiska labadan goobood, ”

Cawil Cabdi isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Markaa caruurina waxba nooma dhigato oo ilmuhu marka uu weynaado qaadka uunbaa uu bilaaba, markaa caruurtayada waxaa kala goostay waa dhuxul iyo qaaad, markaa hadii maanta iskuulkan dib u dhis naloogu sameyn lahaa caruurtayadu waa ay ka badbaadi-lahaayeen aafooyinka iyo balwadaha camalka dhaawaca amase dib u dhiga, waxaa maanta goob caafimaad noogu dhaw magaalada Hargeysa iyo degmada Cadaadley markaa inta qofka la siiwado ama waa uu ku dhinta ama waa uu badbaada,hadii aan gaadhi helana saddex boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah oo aanay dadku wada heyn ayaa nalaga qaada oo caddaadley nalagu geeya,  waxaananu xukuumada Somaliland iyo cidkasta oo naga caawin karta dib u dhiska dugsigan iyo goobtan caafimaadka aanu ka codsaneynaa in ay hoos noo eegaan oo ay noo yimaadan islamarkaana ay baahidayada wax nooga qabtaan, oo iskuulka dib u dhis naloogu sameeyo si caruurtayada dhuxusha shidaysaa ay noogu badbaado oo ay u gartaan qiimaha uu deegaanku leeyahay”

Sidoo kale Keyse Maxamed Cawaale oo isaguna ka mida dadka deegaanka Debis oo aanu isagana meesha kula kulanay ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee ku noqotay laf-dhuun gashay ee deegaankooda heysta ay tahay waxbarasho la’aan iyo caafimaad la’aan waxaanu yidhi “Caruurtayadu laba jirka ayay qaadka ku cuntaa waxaaananu dooneynaa in diin iyo maadiba nalaga gar-gaaro waxaanu nahay deegaan balaadhan, anigu laba iyo afartan sano jir ayaan ahay, toban caruur ahna waan ku dhalay waxna ma qoro waxna ma akhriyo magacaygana ma qoro,  halkaasi Dhubato ayaa magaalo noo ah gadhka Debis iyo Cadaadley, teeda kale caqabada kale na heysataa waa caafimaad la,aan waxaananu deganahay deegaan ku yaala wado qaloocan, deegaankayagan inta ku umul aroortay waxaa ay tahay dhibaato foosha uun ka timid marka ay gabadhii sitoosa u dhaliweyday goob caafimaadna ay weyday, marka inta caafimaad xumo u dhimatay ilaa saddex dumara ayaan ka xasuustaa, qofka xanuusanayana Hargeysa ayaa gaadhi ugu dhaw oo wado qaloocan oo inta badan gaadiidku ma soo galaan, hadii qof dumara fooli qabatana awr ayaanu ku qaadnaa si loogeeyo goobtii meel caafimaad laga gaadhsiin karo inta badan dumarkana waxaa ay la umul arooraan waa dhiig-bax iyo nafaqo la,aan”:

Dhanka kale Keyse waxaa uu sheegay inay deegaankooda ku dhufatay abaar xoolihii iyo beerihiiba ay kaga baaba’een waxaanu yidhi “ta kale waa abaarta ba,an ee heysa wadanka dad badan-baana liita oo siweyn ayay deegaanka u saameysay, anagu beeraha iyo xoolaha ayaanu ku tiirsanayn oo labadiina waxaa saameeyay oo meeshi ka saartay abaarta, dadkuna waa daacatal basar”

Axmed Xasan Cilmi oo isaguna ah wiil dhalinyaro ah oo wakhtigan aanu deegaanka bookhaney xoola la joogay dhab ahaantii diif iyo daranyo xoog-lihii ay ka muuqatay ayaa waxaa uu yidhi “Meel aanu wax ka barana nooma dhawa xoolahan aanu la joogno wax aan aheyn oo aanu qabana ma jirto, Iskuul waxaa noogu dhaw Gadhka-warsame xaad qofka laba lugood-laha ah ee dheeraynayaa waxaa uu u socdaa laba saacadood, anaga qoyskayagu waa toban qof kaliya oo wax naga bartaana ma jiro markaa cidkasta oo naga caawin oo baahiyahayaga wax nooga qaban karta waxaanu ka codsaneynaa in ay wax noga qabtaan”

Guud ahaan sida aan korka ku soo aragnay ee ay noogu warameen dadkii deegaankaasi ku dhaqnaa inaanay gabi ahaanba ka jirin deegaankaasi waxyaabaha aasaaska u ah nolosha bini’aadamka, ayaa hadii uu sidan ku sii socdo waxaa ka dhalan kara caqabado ka badan kuwan haatan taagan, lana daris noqda caruurta yar amase dhalinyarada u baahan goobo waxbarasho hooyooyinka u baahan daryeel caafimaad, iyo sidii dadkan looga badbaadin lahaa noloshan adag.

Xigasho:- Hangoolnews

 

COMMENTS
Latest News