Dawladda Hoose Ee Hargeysa. ⁉ 25 Xildhibaan Oo Shaqadoodi Gabay Iyo Bulsho Moogan

0
19

 

Marka loo kuurgalo adduunka inagu xeeran ee nidaamka dawladnimo taabo-galkiisu hanaqaaday, waxa kaaga baxaya in bulshooyinka Magaalooyinku ogsoonyihiin masuuliyadda iyo waajibaadka waxqabad ee loogu igmaday in ay magaalooyinkaas ugu adeegaan. Taasi waxay suurogelisay in bulshada magaalooyinka degeni kula xisaabtamaan amase dabagalaanba xildhibaanada golayaasha deegaanku in ay guteen amase ka gaabiyeen hawlaha loo igmaday.

Dhanka kale marka aynu ka eegno, tusaale ahaan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, Xildhibaan kasta oo ku jira Golaha Deegaanka Caasimadu waxa laga soo doortaa Xaafad amase Degmo cayiman oo magaalada Nairobi ka tirsan, waxa kale oo uu xildhibaanku metela amase waajib saaran ah in uu ka turjumo waxqabadka iyo baahiyaha xaafadda/degmadda laga soo doortay in uu dabaalo. Nidaamkaas magaalada Nairobi golaheeda deegaanku ku dhisanyahayna waa mid summadiisu tahay “Wakaalad” tixraac leh oo masuuliyadu leedahay meel iyo cid loo raaco la xisaabtankeeda.

Haddaba waxa nasiibdarro ah in bulshada Magaaladda Hargeysa ku dhaqani aanay ahayn kuwo dhaadsan amase ka warqaba masuuliyada iyo waajibaadka hawlaha ay u igmadeen Golaha Deegaanka DHH. Xildhibaanadda ay doorteenna maaha kuwo xil iska saaray hawlahaas loo igmaday si ay ugu adeegaan bulshada ay u igmanyihiin isla markaana cashuurta yar ee ay bixiyaan dadku meelaynteeda iyo madhxinteedaba si hufan ugu maamulaan in ay baahiyaha jira iyo waxqabadka loo baahanyahay ku daboolaan.

Qabyo waa halkeedii ! Ilaa inta bulshada Hargeysa ku dhaqani dhaadayaan masuuliyadaha waxqabad ee ay DHH iyo Xildhibanaada ay soo doorteen u igmanyihiin ha ka yaabin in laysla xisaabtamo amase masuuliyadu dayacanto lana waayo meel iyo cid loo raaco oo u qoollan gaabiskeeda.

Inta dareensan wacyiga jira amase dhibta Magaalada Hargeysa haysata ka damqanaysa waxaan oo odhanlahaa in la baraarugo oo gurmad loo gallo sidii dadku u noqonlahaayeen ‘Informed Consent’ ka warqaba hawlaha iyo waajibaadka waxqabad ee ay DHH ugu igmantahay in ay ka soo dhalaasho. Gurmadkaasina ha ahaado mid ka madhan hadal iyo dhaliil aan waxba soo kordhinayn balse waa in gurmadkaasi noqdaa mid kor u qaadaya ogaalka bulshada dayaysan een garanayn halka cashuurta laga qaadaa ku baxdo amase masuuliyad hawleedka ay DHH u igmantahay.

W/Q Hassan Ismail

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here