Saxilnews.com
SULDAANKII UU MUUSE BIIXI CALEEMO SAAREY EE LAGU WIIQAAYEY SANDALADA SUBER AWAL OO ADEERKII U GACAN QAADEY + SABABTA
August 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):-   Suldaankii uu dhawaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi  la sheegay in uu caleemo saartey isla markaana   lagu wiiqaayey sandalada Suber Awal  Maxamed Axmed C/Raxmaan ayaa  waxaa ay ehelkiisu ula yimaadeen hadlo nasteex ah oo ku saabsan in uu ka tanaasulo suldaan nimada maqaar saarka ah ee lagu wiiqaayo sanada Suber Awal

 

Suldaankan maqaar saarka ah ayaa waxaa uu ka dhego adeygay hadaladaas isla  markaana waxaa uu dheg u dhigi waayey  baaqyadaas is daba joog ah ee kaga imanaya ehelkiisa

Ka dib markii uu ka dhago  adeegay maqlina waayay ehelkiisa ayaa adeerkii  oo ay Aabihii Axmed Suldaan c/ramaan walaalo yihiin uu maanta hotel xaraf ee magaalada Hargaysa ku uleeyay, isagoo u sheegay in waalid-nimadu farayso in uu qabto.

Suldaanka danaha siyaasadeed loo cumaamatay ayaa aha suldaan lagu nusqaaminayo sandalada guunka ah ee faca-wayn ee subeer-awal.

Geesta kale suldaankan lagu muraadsanayo  ayaa marar badan ay eheladiisa oo ay ku jiraan adeeradii iyo awoowyadii ay in badan si sareexana wax ugu sheegeen dhagse jalaq uma siin.

Suldaankan ayaa kaliya waxaa daba ku wata siyaasiyiin aan qiimaynay sandalada muctarika ah.

Dhinaca kale guud ahaan ayaa waxaa ka soo horjeestay beel-waynta subeer-awal waxaana si toosa maanta u qabtay adeer kii oo ugu baaqay in uu ka waantoobo ceebaynta uu ku hayo sandalada iyo qoyska reer suldaan diiriye.

COMMENTS
Latest News