Saxilnews.com
DEG-DEG PUNTLAND OO SHAACISAY MAGACYADA RAGII ISKU QARXIYEY MAGAALADA GAALKACAYO.
August 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Garoowe(Saxilnews) waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada dhagar qabayaasha Al-shabaab ee falkaasi waxashnimo ee ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”

Da’diisa: 40-45 sanno jir.

Ku dhashay Gaalkacyo.

Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

Wanted1

2. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”

Da’diisa: 45 sanno jir.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug.

Wanted

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf

Ku dhashay: Gobolka Mudug.

Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

4. Cabdishakuur Mire.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

5. Muxiyadiin Dakharre.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca dhagar qabihii isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaadhigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey, Faahfaahintiisana hoos ka akhriso.

Cabdullaahi Fanax

Da’diisa: 22 Sanno Jir.

Ku dhashay Ceel-waaq

Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

Sidan Waxaa Lagu yiri Qoraalka Ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland,

COMMENTS
Latest News