Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaadhiyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qabow.
Sergei Shoigu ayaa sheegay in “Ciidamada dabagalka macluumaadka” ay ka qeybgaleen “jaajuusid iyo dacaayad wax ku ool aha”.
Balse ma uusan soo ka hadlin faafaahinta ciidamada iyo waxa uu bartilmaameed koodu yahay.
Hadalkan Ruushka ayaa imaanayo xilli ay jiraan eedeymo ah in xukuumadda Moscow ay weerar dhanka internet-ka ah in ay si joogto ah ugu qaaday dalalka reer Galbeedka.
NATO ayaa loo maleynayaa inay tahay meesha lagu qaadi doono weerarka ugu heerka sareeya.
Intuu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida, USSR iyo dalaka reer Galbeedka waxay dhaqaale badan ku bixiyeen dacaayadda si ay awood ugu yeeshaan caalamka ayna u faafiyaan mabaadii’dooda.
Keir Giles, oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha militariga ayaa sheegay in “dagaalka internet-ka” ee Ruushka uu ka xoog badan yahay waxa ay dalalka Reer Galbeedka ka fikirayaan ee ah walaaca burcadda internet-ka.
Giles warbixin uu u gudbiyay NATO wuxuu ku qoray “Ujeedada waxay tahay in la xakameeyo macluumaadka, si kastoo ay awoodaan iyo wixii ay ku qaadataba. Tallaabadaasi waa wejiga labaad ee dagaalka macluumaadka ee Ruushka”.
“Waxaa intaas dheer, Ruushka ma raaadinayo in la aamino. Taasi bedelkeeda, Ruushka wuxuu leeyahay hal u jeedo oo ah inay hagardaaciso ujeedooyiinka dhabta ah, iyo in loo gudbiyo meelkaste oo ay quseyso”, ayuu yiri Giles.
Mr Shoigu waxaa loo arkaa mid ka mid ah ragga saaxiibka dhow la ah madaxweyne Putin
Ruushka wuxuu tijaabo dhinac kaste ah ku sameeyay NATO, sida inuu weeraro baraha bulshada ee shaqsi kaste oo ciidamada ka mid ah, ayuu BBC-da u sheegay Giles.