Afhayeenka ciidanka boolisku wuxuucaddeeyay in eedaysanayeyaasha qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo dambiga loo haysto gacanta kula jira. Gaashaanle dhexe Faysal Xiis waxa uu sidaas ka sheegay shirjaraa’id oo ay shalay si wadajir ah u qabteen taliye ku-xigeenka qaybta booliska galbeedka Hargeysa, Gaashaanle Dhexe Faarax Cabdi Xasan.
“Beryahan danbe waxaad la socoteen in gaadiidka dadweynuhu ay raacaan ee basaska la gubay, falkan oo ah mid ugub ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, taliska ciidanka boolisku wuxuu amar adag ku bixiyay in dadkii falkan gubista gaadiidka geystay si adag loo baadho. Nasiib wanaag ciidammada boolisku waxay xalay (habeen hore) gacanta ku soo dhigeen sagaal eedeysane oo qaarkood lagu hayo iyaga oo gaadiidkii gubaya, gacantana ku sita qalabkii ay u adeegsanayeen gubista gaadiidka dabkiina ku qabtay ayay ciidammada boolisku gacanta ku soo dhigeen faahfaahinta baadhitaanka kiiskanna ka hor dhici maayo,”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka boolisku.
Waxa kaloo uu intaas ku daray ; “Waxaanu bulshada u sheegaynaa in ciddii falalka noocaasi ah lagu soo qabtay in ciqaab aad u culus la marin doono, oo aanay boolisku marnaba u dulqaadan doonin. waayo waa dad duulan ku ah ganacsiga iyo nabadgelyadaba.”
Mr. Faysal Xiis waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ciidanka booliska ula shaqeeyaan si adag, waxaanu yidhi; “Bulshada Somaliland waxaan leeyahay sidii aad awalba noola shaqeyneyseen noola shaqeeya. Waxaan mahad aad u ballaadhan ayaanu idiin haynaa ciidan ahaan, waxaa loo baahan yahay in wixii falalka noocan oo kale ah sameynaya aad gacan nagu siisaan sidii gacanta loogu qaban lahaa. ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland-na meel kasta oo uu joogo waxa uu heegan ugu jiraa sugida amniga.”
Halkan Ka Daawo