Saxilnews.com
Loolanka Saddexda Xisbi Ee Somaliland Oo Waji Kale Isu Rogay + Waxyaabaha Qosolka Leh Ee Ay Soo Kordhiyeen
October 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Xamaasadda Siyaasadeed ee Somaliland ayaa meel adag maraysa, waxaana ilaa iminka uu hirdan xoog lihi kala jiidashada shacabka uu ku dhex marayaa Axsaabta siyaasadda ee UCID, Kulmiye iyo Waddani.

Labadda Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye oo kala ah muxaafid iyo mucaarad ayaa miidaanka siyaasadeed si weyn ugu loolamaya.

Xisbiyaddan ayaa fagaareyaasha siyaasadeed isku waydaarsada weedho kuluul, waxaana taas barbar socda ficilo ay awoodahooda ku muujinayaan.

Magaaladda Hargeysana waxa loo iib keenay astaamo kala duwan oo ay labaddan xisbi ku kala kasbanayaan taageereyaashooda.

waxa lagu arkay magaaladda Hargeysa Karaatoonta lagu qaato Soft-ga ama Masaradda waraaqaha ka samaysan taas oo ay ku xardhan yihiin astaamaha labadda xisbi.

sidoo kale waxa lagu soo dhejiyay sawiradda murashaxiinta Axsaabta, lamana oga in ay axsaabtu soo samaysatay iyo in ay dad taageeraa ku iib geysanayaan.

 

COMMENTS
Latest News