Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay gelinkii dambe qabsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, balse dib looga saaray.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle, ayaa wareysi uu siiyey shabakada saxilnews ku sheegay in maleeshiyadu ay si kooban ula wareegeen gacan ku haynta tuulooyinka Mareerey, Sabiib iyo Caanoole.
Cabdi Fataax, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliya oo isugu jira nabad sugid iyo milatari ay markaa kadib weerar xooggan ku qaadeen saddexda tuulo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen xalay, kadib dagaal xooggan.
Dagaalka ayuu sheegay inuu khasaare badan dhaliyey, isaga oo carabka ku dhuftay inay jiraan askar dhaawac ah oo duurka ku cararaay. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan garaneyn heerka uu la eg yahay khasaaraha gaaray dhinaca Al-Shabaab.
Maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayaa kasoo tagay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Toora Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
maxamed xasan aadan
saxilnews005@gmail.com