Saxilnews.com
Wajeer: Dadka uu Ritay Daacuunka oo Kordhay
August 24, 2015 - Written by admin

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka daacuun caloolaha oo ku dhowaad saddex toddobaad ka hor ka dillaacay magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

 

Wajeer (Saxilnews)-E7F4E262-6900-459B-B6B2-4017394720D9_w640_r1_sWaxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka daacuun caloolaha oo ku dhowaad saddex toddobaad ka hor ka dillaacay magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda caafimaadka ee ismaamulka gobolka Wajeer Cabdinuur Xaaji Maxamed, ayaa saxilnews u xaqiijiyey in illaa iyo hadda la xaqiijiyey in cudurka uu haleelay 263 qof, oo sagaal ka mid ah ah ay geeriyoodeen.

Dadkaas badankood waa ka bogsadeen cudurka, waxaana loo diray guryahooda, marka laga reebo 23 qof oo weli isbitaallada yaalla, sida uu sheegay Cabdinuur.

Cudurka ayaa sidoo kale ku faafay deegaannada ku hareereysan Wajeer, waxaana jira shan qof oo hor leh oo cudurka uu soo ritay oo maanta la geeyey isbitalka guud ee Wajeer.

Magaalada Wajeer ayaa waxa ay ka mid ah magaalooyinka ugu liita dhinaca nadaafadda ee dalka Kenya.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News