Saxilnews.com
Al-Shabaab oo Laga Saaray Tuulooyin
August 24, 2015 - Written by admin

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay gelinkii dambe qabsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, balse dib looga saaray.

Al-Shab520C931C-D90F-41FB-B01D-3EF114D36530_w640_r1_saab ayaa weeraray 3 tuulo
muqdisho  (Saxilnews)-Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay gelinkii dambe qabsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, ka hor intii aan dib looga saarin, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle, ayaa wareysi uu siiyey shabakada saxilnews ku sheegay in maleeshiyadu ay si kooban ula wareegeen gacan ku haynta tuulooyinka Mareerey, Sabiib iyo Caanoole.

Cabdi Fataax, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliya oo isugu jira nabad sugid iyo milatari ay markaa kadib weerar xooggan ku qaadeen saddexda tuulo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen xalay, kadib dagaal xooggan.

Dagaalka ayuu sheegay inuu khasaare badan dhaliyey, isaga oo carabka ku dhuftay inay jiraan askar dhaawac ah oo duurka ku cararaay. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan garaneyn heerka uu la eg yahay khasaaraha gaaray dhinaca Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayaa kasoo tagay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Toora Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

 

 

maxamed xasan aadan

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News