Hargeysa(Saxilnews):-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ee Baashe Cawil Moorgan ayaa si rasmi ah ugu guulaystey meel marinta qorshe nidaameed ay si wada jir ah u soo diyaariyeen oo laf jab ku ah qaranka curdinka ah ee Somaliland.
Qorshahan ay soo maleegeen labada Shaqsi ee ay isku haybta yihiin Madaxwayne Siilaanyo sidoo kalena shidhka ugu jira guriga looga arimiyo dalka ayaa qorshaha ay soo diyaariyeen uu ahaa sidii ay gacanta ugu galin lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta Bogcada Qiimaha Badan ee Berbera halkaasi oo ay so qorsheeyeen in ay saldhig milatari ka siyaan Imaaraatka carabta.
Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Baashe Moorgan oo isagu ah safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraatka ayaa qorshahooda koowaad ee ay ka leeyihiin in dalka la keeno ciidamo Imaaraati ah uu yahay sidii ay Malaayiin Lacag ah uga faa,iidi lahaayeen heshiiska ay labada dhinac wada galayaan iyo sidii ay ugu dilaali lahaayeen Ciidanka Imaaraata marka ay dalka soo gaadhaan wixii kaga xidhma dalka gudihiisa.
Waxaana maanta si rasmi ah ugu fuley qorshihii ay lahaayeen qaybtiisii ugu muhiimsanayd oo ku jirtey gacan kale waxaana habeenadii ugu dambeeyey aan hurdo ladin labadan shakhsi ee ka door biday dantii qaranka in ay helaan Lacago ay ku maareeyaan noloshooda marka ay dhamaystaan Wakhtiga ay isticmaalayaan awoodii Madaxwaynihii la doortey ee Axmed Maxamed Siilaanyo.
Guud ahaan Shacabka Somaliland gudo iyo dibadba waxay si isku mid ah uga xumaadeen in labada gole qaran ee baarlamaanka Somaliland ay ansixiyaan Qorshaha ay wataan danaystayaal dilaaliin ah oo dalka awoodiisii gacanta u gashay oo hormuud ay u yihiin Labadaasi masuul eek u takri falay awoodii Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Xigasho Hangoolnews